1 min read

Gutteres: Dunida waxay khatar ugu jirtaa hubka Niyuukilarka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay dunida iney halis ugu jirto hubka Nukliyerka.

Antonio Gutteres wuxuu sheegay khatarta dunida ku soo fool leh iney tahay tii ugu adkeyd oo dunida soo wajahdo tani iyo marki uu dhammaaday dagaalki qaboobaa.

Wuxuuna carrabka ku dhuftay khatarta jirta iney uga sii dartay duullaanka Ukraine, xiisadda ka taagan Gacanka Kuuriya iyo Bariga dhexe.

Gutteres ayaa hadalkaasii sheegay mar uu ka hadlayey shir ay lahaayeen waddamada saxiixay Nukliyerka.

Wuxuuna waddamadasi uu ugu baaqay iney heshiiska Nukliyerka sii xoojiyaan ayna ka shaqeeyaan sidi dunida looga badbaadin lahaa khatarta hubka Nukliyerka uga iman karto.