1 min read

Booliska G/Banaadir oo gacanta ku dhigay Nin Tooreey ku dilay Haweeneey.

laamaha Amniga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa kadib howlgal ay sameeyeen waxaa u suurto gashay inay gacanta ku dhigaan Nin todobaadkaan tooreey ku dilay Haweeneey mid kalena ku dhaawacay.

Dhacadadaan ayaa Maalintii talaadada aheyd ka dhacday agagaarka Iskuul Godeey ee degmada Kaaraan, waxaana dilka Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Ruqiyo Sheekh Axmed & Dhaawaca Sacdiyo oo Ilmo Habreed yihiin uu yimid kadib markii Ninka dhibka geystay ay ku murmeen carro uu ka qaadayay goob Biyo mareen ah ama Bulaacad.

Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Goofjooge ayaa sheegay in Ninkaan ku eedeysan dilka iyo dhaawaca laba Gabdhood oo Walaalo ah ay u gudbinayaan Hay’adaha cadaaladda si sharciga loo marsiiyo.

Wuxuu sheegay in Ciidamada Booliska ay markasta diyaar u yihiin inay cadaaladda horkeenaan cidkasta oo dhibaato geysata, isla markaana aysan uga hari doonin.

Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo la dhashay Ruqiyo Sheekh Axmed ee tooreyda lagu dilay ayaa sheegay in uu aad uga naxay dilka walaashiis, isaga oo u mahad celiyay Ciidamada Booliska Soomaaliya ee soo qabtay Ninkii dilay walaashiis, sidoo kale dhaawacay Gabadha kale ee Habartartiis ay dhashay.

Magaalada Muqdisho ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa kusoo batay dilalka loo geysanayo dadka Shacabka ah ee loo adeegsanayo tooreyda ama midida, waxaana inta badan adeegsada Kooxaha Burcadda ah.