1 min read

Faahfaahino ku saabsan qaraxyo ka dhacay, Muqdisho, Afgooye iyo Marka.

Ugu yaraan 13 qof oo uu kamid yahay gudoomiyihii degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, Cabdillaahi Cali Waafow ayaa ku dhintay weerar isqarxin ah oo maanta lagu qaaday xarunta maamulka degmada Marka, sida laga soo xigtay dad goobjoog ah.

Dad goob joog ah waxay BBC u sheegeen in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen qarax maanta ka dhacay suuqa ariga ee degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.

Maamulka isbitaalka degmada Afgooye ayaa laga soo xigtay sheegay in lasoo gaarsiiyay dhowr iyo toban qof oo dhaawac ah.

Gaari la rumaysan yahay in lagu diyaarinayay waxaayabaha qarxa ayaa ku qarxay xaafad ku taallad degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Waxaa qaraxaas ku dhintay labo qof ay saraakiisha amniga ay ku sheegeen inay ka tirsanaayeen Al Shabaab.