|

Talyaha Ciidanka Xoogga oo Saraakiisha Liyuu Booliiska kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.

Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool kula kulmay Saraakiil sare oo uu horkacayo talye ku xigeenka Ciidamada Liyuu Booliis ee hoos yimaada Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay adkaynta amniga iyo sidii si midaysan la isaga kaashan lahaa weerarada Al-shabaab.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku afgartay sidii loo xoojin lahaa Ammaanka xuduudka oo Arbacadii weerar khasaare badan dhaliyay ku qaadeen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Talye Odowaa, Xildhibaanno iyo Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka ayaa shalay gaaray Ceelbarde oo deegaanno u dhow ka dhacay dagaal xooggan.

Posted by on Jul 24 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]