1 min read

Golaha Ammaanka DDS: Waan soo Afjarnay Howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab.

War saxaafadadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Golaha Ammaanka ee Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheeegay in la soo afjaray maleyshiyaadkii kooxda Alshabaab kuwaasi oo muddo shan maalmood ka hor ah gudaha u galay Ethiopia, gaar ahaanna gobolka Afdheer.

Ciidanka dowlad deegaanka ayaa lagu sheegay warsaxafaadeedka in ay ku hareereeyeen Al-shabaab aagga Hulhul iyadoo la laayay dhammaan mintidiinta sida lagu yiri qoraalka.

Howlgalkan oo qaatay muddo saddex cisho ah ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 100 ka tirsan kooxda mintidka ah, waxaana lagu burburiyay 13 gaari dagaal, sida uu warsaxaafadeedku sheegay.

Maamulka ayaa sheegay in kooxdan hubeysan ay dooneysay in ay sii marto degmaka Ceelkari oo in ka badan 100km u jira xuduudda Soomaaliya iyo Ethipia.

Khamiistii ayay saraakisha iyo dadka deegaanka gobolka Bakool ee Soomaaliya waxa ay wariyeen in ay Al-Shabaab Arbacadii weerartay fariisimo ay degenaayeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi.