4 mins read

Mane :Laacibka ka soo jeeda qoyska imaamyada ah oo mar kale guul taariikhi ah gaaray.

Sadio Mane ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican qaaradda Afrika sanadkii tagay.

Mane waxaa kula tartamay abaalmarintan laacibka reer Masar ee Maxamed Saalax iyo goolhayaha ay isku qaranka yihiin ee Edouard Mendy oo sidoo kale u cayaara kooxda Chelsea.

Mane ayaa dhawaan ku biiray Bayern Munich kaddib markii uu ka tagay naadiga Liverpool oo uu ka mid ahaa laacibinta aadka uga dhex muuqda.

Ciyaaryahankan 30 jirka ah ayaa markii labaad ku guuleystay abaalmarintan oo horay loo guddoonsiiyay sanadkii 2019.

Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika oo labadii sano ee ugu dambeysay aan bixin abaalmarintaas ayaa hadda go’aansaday inuu bixiyo dhammaadka xilli-ciyaareedka, iyadoo markii hore la bixin jiray dhammaadka sanadka.

Sadiyo Mane oo lambarka 10-aad u xirta xulka qaranka Senegal ayay bishii Febaraayo ee sanadkan u rumowday riyadiisii ahayd inuu guul taariikhi ah usoo hoyo waddankiisa, isagoo gacan ka siiyay inay markii ugu horreysay hantaan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika muddo lixdan sano ah.

Xiddiggan ayaa lagu yaqaannaa inuu yahay qof aad u dabeecad wanaagsan oo aan dadka iska sarreysiin.

Inta badan ciyaartoyda kale iyo dadka lacagta heysta ee isaga la midka ah wuxuu uga duwan yahay in uusan qaadan waxyaabaha qaaliga ah, sida telefoonnada lacagta badan lagu bixiyo.

Sadio Mane ayaa kasoo jeeda qoys aad sabool u ah oo markii uu yaraa caqabado badan kala kulmay dhanka nolosha.

Maqaalkan waxaan ku xuseynaa ilaa 7 arrimood oo ku saabsan ciyaartoygan taageerada badan helay, qaab-ciyaareedkiisana aadka loo jecel yahay.

Wuxuu ka cararay guriga qoyskiisa si uu kubbad u ciyaaro

Markii uu Mane yaraa waxa uu kusoo koray tuulo lagu magacaabo Bambali oo ku taalla Senegal.

Xilligaas qoyskiisa ma aysan u oggoleyn inuu lugtiisa ku laado kubbad.

Aabbihiis waxa uu geeriyooday isagoo toddobo jir ah, inta badanna waxaa soo koriyay adeerradiis. Waxa uu kasoo jeedaa qoys imaamyo Muslimiin ah.

Sidaas awgeed, waxa ugu horreeya ee cunugga inuu diiradda saaro laga rabo waa waxbarashada.”Adeerkey ma uusan rabin inaan ciyaaro sababtoo ah waxa uu u maleynayay in iskuulka uu ka muhiimsan yahay ciyaarta.

Arrintu way adkaatay, waayo ma uusan jecleysan taas,” ayuu yiri Mane oo taariikhdiisa ka sheekeynayay mar laga sameynayay dukumintari ay BBC-da diyaarisay.

Mane waxa uu sharraxay sida uu ugu waalnaa kubbadda, isagoo xitaa ku ciyaari jiray waxyaabo ay ka mid yihiin miraha iyo dhagaxyada, isagoo carruur ah, maaddaama kubbad uusan heli karin xilligaas.

Tuuladiisa oo isagoo yar uu ka noqday cunugga ugu laacibsan waxaa looga bixiyay naaneysta ‘Ballonbuwa’, ama ‘bulaca kubbadda’.Sanadkii 2008 oo ay da’diisu ahayd 16 sano jir, Mane waxa uu ka dhuuntay qoyskiisa, waxa uuna si qarsoodi ah ugu cararay magaalada Dakar, si uu halkaas uga raadsado koox.

Ugu dambeyn waa la helay, guriga ayaana lagu soo celiyay, balse waxaa laga ballan-qaaday in sanadka ku xiga aan iskuul loo diri doonin, waxa kaliya ee uu sameyn doonana ay noqoneyso ciyaarta kubbadda cagta.

Sadio Mane

Shaqada bulshada Muslimka ah

Mane waxaa la sheegaa inuu lacago badan ku bixiyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka saboolka ah ee ku nool meelo ka mid ah waddankiisa Senegal.

Lacagahaas waxaa ka mid ah kuwo lagu xannaaneeyo carruur iyo kuwo musqulo iyo hoy loogu dhisay dad dan yar ah.

Mararka qaarna isaga qudhiisa ayaaba ka qayb qaata adeegga bulshada. Mar sii horreysay waxaa hadal-heyn dhaliyay muuqaal laga soo duubay Mane oo gacantiisa ku dhaqaya masjid, arrintaas oo ay dad badan ku ammaaneen.

Dhibaatadii jawiga Yurub.

Sanadkii 2011-kii, Mane waxa uu ka tagay Senegal waxa uuna ku biiray koox Faransiiska ka dhisan oo lagu magacaabo FC Metz.

Wixii ugu horreeyay ee uu ku baraarugay markii uu Yurub tagay waxay ahayd dabeysha.

Mane ayaa ka sheekeeyay waxa kala qabsaday isaga iyo saaxiibbada kooxdiisa markii uu kasoo baxay qolka dhar beddelashada isagoo garan kaliya xiran. Wuxuu garan jiray jawiga Afrika oo inta badan kuleyl ah.

“Dhammaantood waxay billaabeen inay igu qoslaan anigana ma aanan fahmin,” ayuu yiri. “Waxay i weydiiyeen, ‘sidey ku dhici kartaa inaad dharkaas soo xiratid?”

Shan daqiiqo kaddibba wuxuu dib ugu cararay gudaha isagoo qarqaraya, marar kalena sidaasoo kale ayuu qaladkaas u sameyn jiray. “Gacmaha ayaan gashtay biyo kulul. Taasi ma aysan fiicneyn. Maalintaas wax baa i qabsaday!” ayuu yiri.

Xigasho:BBCSomali