1 min read

Puntland oo xilka qaadis iyo magacaabis sameysay.

Waxaa maanta xilka qaadis lagu sameeyay Taliye ku xigeenkii Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud, balse lama oga xilka qaadistiisa waxa uu salka ku hayo.

Taliyaha Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, ayaa soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday Ilyaas Isxaaq Maxamuud, kaas oo ahaa Taliye ku xigeenkii Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Sidoo kale, Taliyaha Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, ayaa durba xilka Taliye ku xigeenkii Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal u magacaabay G/le Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul).

Muddooyinkii ugu dambeeyay Taliyaha Booliiska Puntland ayaa waday dadaalo iyo la tashiyo la xiriira sidii loo dardar-gelin lahaa sugidda amniga guud, isagoo isbadalo ku sameeyay Saraakiisha Booliiska qeybahooda kala duwan.