1 min read

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inay qaadayaan Guluf weyn oo ka dhan ah Al-Shabaab .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan sidii ay ku qaadi lahaayeen ‘guluf weyn’ oo ka dhan kooxda Shabaab kadib markii maanta Muqdisho uu kula kulmay wakiilo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika.

“Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xamse ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay dib u habeyn ku sameyn doonto arrimaha maaliyadda si looga hortaggo Shabaab.