1 min read

Deg Deg: Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Afgooye.

AFGOOYE — Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay laba kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay suuq ku yaalla degmadaasi.

Qaraxan ayaa ka dhashay miino kusoo booddo ah, sida ay goobjoogayaal u sheegeen idaacadda VOA.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, hase yeeshee waxaa weerrada inta badan degaankaas ka dhaca sheegta ururka Al-Shabaab.

Waa qaraxii labaad ee toddbaad gudihiis ka dhaca magaalooyinka ku dhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo 17-kii July ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabeelle. Dadka dhaawacmay waxaa ku jiray laba ka mid ah wasiirada HirShabeelle.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkan, waxaana warbaahinta ururkaasi taageertaa ay sheegtay in qaraxan uu ahaa ismiidaamin.