2 mins read

Wiilka Soomaaliga ah ee kaalinta 3-aad ka galay Orodka Adduunka maanta.

Bashiir Cabdi, waxa uu dhashay sannadkii 1989 bishii bishii Feebraayo, isaga oo ku dhashay magaalada Ceel Afweyn, ee gobolka sanaag, Somaliland.

Waxa uu u ordaa dalka Biljam, waxaana uu caan ku yahay orodka dheer. Wuxuu ka qayb galay 10,000m orodka ah oo dhacayey sannadkii 2014 horyaalada ciyaaraha fudud ee Yurub. Ciyaarihii Olombikada ee Rio de Janeiro ee 2016kii. Bashiir wuxuu ku tartamay labada orod ee 5000m iyo 10000m.

Wuxuu ku dhameystay kaalinta 20 -aad ee finalka 10000m, tartankaas oo uu ku guuleystay Mo Farah, orodyahan Soomaali ah oo metela dalka Britain.

Cabdi Nageeye oo u ordayay dalka Netherlands ayaa galay kaalinta labaad waxaa uuna sidaasi ku qaatay billadda Qalinka , halka Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgium-uu galay kaalinta saddexaad sidaasi oo u ku qaatay billaddii harsaneyd ee Maarta.

Waa kuma Bashiir Cabdi?

Bashiir, Tamirat Tola iyo Mosinet Geremew

Bashiir Cabdi, waxa uu dhashay sannadkii 1989 bishii bishii Feebraayo, isaga oo ku dhashay magaalada Ceel Afweyn, ee gobolka sanaag, Somaliland.

Waxa uu u ordaa dalka Biljam, waxaana uu caan ku yahay orodka dheer. Wuxuu ka qayb galay 10,000m orodka ah oo dhacayey sannadkii 2014 horyaalada ciyaaraha fudud ee Yurub. Ciyaarihii Olombikada ee Rio de Janeiro ee 2016kii. Bashiir wuxuu ku tartamay labada orod ee 5000m iyo 10000m.

Wuxuu ku dhameystay kaalinta 20 -aad ee finalka 10000m, tartankaas oo uu ku guuleystay Mo Farah, orodyahan Soomaali ah oo metela dalka Britain.

Sannadkii 2017 -kii Bashiir wuxuu ka qayb -galay tartankii London 2017 ee Ciyaaraha Fudud ee orodka 5000m ee ragga, isagoo kaalinta 6 -aad ka galay tartankaas. Waxaana uu ka qaybgalay tartamo kale oo caalami ah, sannadkii 2019 waxa uu kaalinta labaad galay tartankii Vitality Big Half Marathon, oo kaalinta koobaadna uu galay Mo Farah.

Isaga oo sida oo kale isla sannadkaad isla London Marathon oo ku guulaystay Eluid Kipchoge galay kaalinta lixaad. Sida oo kale waxa uu kaalinta labaad galay tartankii orodka ee ka dhacay Jabbuuti. Sannadkanna waxa uu ka mid yahay orodyahannada ka qaybgeli doono ciyaaraha Olympic-ka ee Tokyo.

Dhacdadii taariikhda gashey ee Nageeye iyo Bsahiir

Cabdi Nageeye iyo Bashiir

Tartankii ugu dambeeyay ee olimbikada ee orodka dheer ayaa waxaa uu Nageeye soo galay kaalinta labaad, halka Bshiir Cabdi uu soo galay kaalinta saddexaad.

Balse arrinta aadka loo hadal hayay waxay ahayd gacantii uu Nageeye ka geystay guushii uu kaalinta saddexaad ku qaatay orodyahnka kale ee Soomaaliyeed Bashiir Cabdi.

Cabdiraxmaan Adan Nageeye oo ay BBC wax ka weydiisay dhacdadaasi ayaa sheegay in uu dareemay in Bashiir uu aad u daalay islamarkana uu doonayay in uu dhiirigaliyo.

Markii aan mareynay 39km ayaan ogaaday in Bashiir uu 9 mitir naga dambeeyo sidii ayaan ku soo caawiyay waan dareemay inuu daal xun ku jiro oo uusan fagax dheer kari Karin aniguna ma dhaqaaqin, in ninka iga horeeya bursado waxaan ka door-biday inaan bashiir la joogo, ayuu yiri Nageeye.