1 min read

Maxaa hor taagan sixidda imtixaannada dugsiyada sare ee Puntland?

Puntland ayaa sheegtay in imtixaanaadkii dugsiyada sare loo sixi waayey lacag la’aan awgeed.

Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in lacagaha imtixaanaadka lagu saxo ay bixin jireen waalidiinta, dowladda, iyo hay’ado uu sheegay in ay gacan ka siin jireen arrimahaas balse ay waayeen dhaqaalihii ay hay’adaha ka heli jireen.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Puntland ay adduunka la wadaagto dhaqaale xumida soo wajahday, sixid la’aanta imitixaanka ay arrintaas sabab u tahay.

Halkan ka dhagayso wasiirka oo waraysi gaar ah BBC-da siiyey.