1 min read

Wararka suuqa iyo kala iibsiga ciyaartooyda ee Yurub.

Madaxa fulinta kooxda Manchester United, Richard Arnold, iyo aggaasimaha farsamada, John Murtough, ayaa kusugan magaalada Barcelona, si ay u dhameystiraan saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee reer Holland, Frenkie de Jong, oo dadiisu tahay 25 sano jir.

Ciyaaryahanka Khadka dhexe ee kooxda Leicester city, iyo xulka qaranka Belgium-ka, Youri Tielemans, oo 25 jir ah, iyo ciyaar yahanka Khadka dhexe ee Wolves Ruben Neves, oo 25 jir ah, ayaa waxaa dooneysa kooxda Manchester United, haddii ay ku guul dareystaan soo xero gelinta De Jong.

Barcelona, ayaa ka oggolaatey kooxda Leeds United iney kusoo wareejiso ciyaar yahanka Khadka dhexe ee reer Brazil, ee Raphinha, adduun gaaraya 65 milyan oo Gini, ciyaaryahanka dadiisu waa 25 jir.

Kooxda Barcelona ee reer Spain, ayaa haatan mudnaanta siineysa iney De Jong ka iibiso kooxda Manchester United.

Kooxda Chelsea, ayaa u muuqata iney kaga dambeyso Barcelona waqtigan, tartanka looggu jiro hanashada ciyaaryahanka Raphinha, waxaase laga yaabaa in Chelsea ay u weecato dhanka iyo kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich, iyo ciyaaryahanka Jarmalka, ee dadabka ka ciyaara ee Serge Gnabry.

Qandaraaska weerar yahanka reer France, ee Ousmane Demele ee kooxda Barcelona, ayaa waqtigiisii uu dhamaaday, laakiin 25 jirkaan ayaa rajeynaya inuu u saxiixo qandaraas cusub, oo uu ku sii joogo garoonka Nou Camp, kaasoo socon doona illaa iyo sanaka 2024-ka.