1 min read

Maamulka Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka oo mar kale yeeshay kulan.

Waxaa maanta magaalada Hargeysa kulan isugu yimId xukuumada dowladda jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqdey ee Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka.

Kulanka ayaanan laga bixinin faah faahin dheeraad ah, iyadoo is araga wajiga saddexaad lagu balamay maalinta bari ah.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu balamay is aragiisa Ciidul Adhxaa kahor, si looggu turxaan bixiyo is mari waaga ka dhaxeeya labaddan dhinac.

Xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka, ayaa isku maan dhaaf sanaa in muddo ah sida ay u kala horeynayaan doorashada madaxtinimada, iyo furista xisbiyada.

Toddobaadkii hore, ayey aheyd markii maxaabiis u xirxirneyd arrimo siyaasadeed lasii daayey, si wada hadalada u fududaadaan, iyadoo sii deynta maxaabiista ay ka shaqeeyeen odayaasha Somaliland.