1 min read

Tababaraha Manchester United Eric Ten Hag “Cristiano Ronaldo iib ma ahan…”.

Si loo beeniyo wararka xanta ah, tababaraha Manchester United Eric Ten Hag ayaa xaqiijiyay maanta oo isniin ah in Cristiano Ronaldo uusan iib ahayn, xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in xiddigu uu ka tagayo kooxda.

Warkaan ayaa ku faafay maqnaanshiyaha Ronaldo ee garoonka, maadaama uusan la safrin asxaabtiisa Jimcihii “dhibaatado dhanka qoyska” ah awgeed, sida ay kooxdiisu sheegtay.

“Cristiano iib maaha, waa qayb ka mid ah qorshayaashayada,” ayuu Ten Hag yiri Bangkok, halkaas oo ay kooxdiisu kula kulmayso Liverpool Talaadada. “Waxaan isku diyaarinayaa xilli ciyaareedka soo socda isaga.

Laakiin saxaafada maxaliga ah ee Britain ayaa bilaabay ina y toddobaadyo ka hor ka hadlaan rabitaanka Ronaldo, xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or, in xagaagan uu tagayo. Qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa 2023.