2 mins read

Prof. Yaxye Sheekh Ibraahim ” Waan ka Cudur daartay u jawaabidii CBB..”

Dawaco ayaa tiri: Cowska midabkiisu waa cagaar, Dameer ayaa yiri: maya Cowsku waa Cadaan. Gartii waxaa loo dhigtay Libaax.waxa uu yiri: Cowsku waa cadaan, Dawacana waxaan ku xakumay, Lix bilood oo aamusnaan ah.Dameerkii waa ku farxay go’aanka libaaxa.

Markii Dacwadii dhamaatay kadib ayaa Dawacadii u tagtay Libaaxii kuna tiri: waad ogtahay in Cowsku cagaar yahay ee maxaad ii xukuntay, waxa uu Libaaxi ku yiri: waan ogahay, laakin waxaan kuu xakumay, Maxaad Dameer oo aad ogtahay garaadkiisa ula dooday.( F.S: 1aad)

Ciidamada loo qaaday Erithria ma aheyn Ciidan loogu talagalay Ciidan Somaliyeed, oo Taliyihii Xooga Dalkuba waa in kiray waaana ku saxna. Waxa ey ahaayeen Ciidan saddax geesood ah oo sadax Nin ku heshiiyeen in ey iyaga toos uga amar qaataan mid walibana uu keeno 5000, wadartuna noqoto 15,000 isku dhaf ah oo aan Ciidamada Dalalkooda ka tirsaneyn . Laguna ilaaliyo danaha saddax hogaamiye. ( F.S: 2aad)
Waxaa dhacay dagaalkii Tigrega oo fashiliyay qorshihii. Qeyb ahaan waa ka qeyb galeen dagaalka Tigree sida Caalamku sheegay, qaarkood waxaa lagu dilay Erthria dhaxdeeda, waalidkoodna waxaa lagu xabadeeyay Xamar .

Dhibaatada taagan.

  1. Tirada Ciidamada oo aan sugneyn, lana aaminsanyahay in ey ka badan yihiin 5000.
  2. Erithria oo Dowlada ku cadaadinee in eynan ka hadal intii dhimatay.
  3. Dowladda Qadar oo ku cadaadinee Madaxweynihii hore in uuna Dalka ka tagin.
  4. Ciidamada Erithria ku maqan ee beenta loo sheegay, dhibaatana loo geeystay, saaxiibadoodna ey ku dhinteen Erithria iyo Ethiopia, oo laga baqayo haddii ey soo noqdaan in ey toos u weeraraan Madaxweynihii hore.

CBB

CBB waxa ey igu yiraahdeen, maxaad ugu mahadceli weyday Madaxweynihii hore ee Ciidamadaa halkaa geeyay ?.
Madaxweynihii Hore, Weligii kama hadal Ciidamadaa. Markuu xilkii Madaxeynenimada waayay ayuu qirtay jiritaankooda, ileeyn markii hore ma aheyn Ciidan Qarane, Dowladda cusub ayaa intii ka hartay u soo wareejinee in ey noqdaan Ciidan Qaran. Laakin, Haraadigii CBB ayaa bilaabay cudurdaar been ah oo waji badbaasho ah ” Face saving “. Haye Cowsku waa cadayahay.

CBB, waxa loo soo dhiibay oo ey ii soo direen, hal ku dhagyo ah: Habaar, Caay, Haddii proffesorkii sidaa u hadlayo, Qabyaaladu ku qaaday, Shalay sidaa uma hadli jirin, Reer Hebel futo madoobe, Aqoontaada waa lagu khasaaray iyo kuwa kale.
Kuwa Erithria loo qaaday, dhibaatada loo geystay mustaqbakooda waxaa ka daran mustaqbalka dhaliyarada CBB dhibaatada loo geystay Mustaqbalkood, ey aamineen in ey shaqo ka dhigtaan in ey Qof caayaan, wax eyna aqoon u leheyna ka doodaan.

Ka raali ahaada in aan Haraadigii CBB kala dooday Arrintaa. Wanna idinka yeelay in aan CBB Lix bilood ka aamuso oo aanan u jawabin. Cowsku ha u cadaado CBB.

Qore: Yahya Amir