1 min read

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo xogta ku saabsan safarkiisa Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo afar maalmood ah.

Qoraal kooban oo ay daabacday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in uu garoonka diyaaradaha ee Asmara ku soo dhoweeyey madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki.

Dalka Eritrea ayaa waxaa ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ay ugu dirtay xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hareeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia. Warkan ayaan loo heyn wax caddeyn ah oo xaqiijinaya.

Waalidiinta qaar ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho iyaga oo dalbaayay xogta la xiriira caruurtooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xariira xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria.

Ilo muhiim ah ayaa u sheegay wariyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed in madaxweynaha uu raacay sarkaal ka tirsan hay’adda NISA oo si gaar ah u haaya xogta ciidanka tababarka loogu diray Eritrea.