1 min read

Ciidamada ammaanka degmada Dayniile oo gacanta ku dhigay kooxo hubaysan.

Ciidamada amaanka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen degmada Deyniile ku qabtay kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayay xaafado ka tirsan degmadda Deyniile ee gobolka banaadir.

Ragaan ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada ammaanka Degmada Deyniile ee gobolka banaadir ayaa isugu jiray kuwa watay qoryaha Ak47 kuwaa oo ku labisnaa dharka militariga Soomaaliya iyo kuwa watay tooreeyo, ( mindi), waxaana Qoraal ka soo baxay maamulka degmada Dayniile oo looga hadlay hawlgalkaan lagu qabtay burcadda hubaysan oo qaarkood ku labbisnaa dharka ciidamada dowladda lagu sheegay in ay dhamaayeen ilaa 5 ruux.

Anagoo kajawaabayna cabashada shacabka ayaa howl gal qorsheysnaa kafulinay Degmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab- qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalkaan lagu soo qabqabtay dadkaan ayaa imaanayo xili Mudooyinkii lasoo dhafaay dadka ku nool magaalada Muqdisho ay lasoo deristay cabsi xoogan oo la xiriira amni xumada kusoo korortay magaalada Muqdisho.