1 min read

Madaxweyne Xasan Shiikh oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Ereteriya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Madaxweynaha oo galay safar qaadanaysa muddo afar maalmood ah ayaa waxaa uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Waa safarkii saddexaad ee Madaxweyne Xasan Shiikh ugu amba baxo dibadda, hore waxaa uu aaday dalalka Imaaraadka Carabta iyo Turkiga.