1 min read

Wararkii ugu Dambeeyay weerar lagu qaaday Saldhiga Booliiska Yaaqshiid.

Rag hubeysan oo la sheegay inay gaarayeen ilaa lix , isla markaana watay gaari nooca raaxad ah ayaa Maanta weeraray Saldhiga Ciidada Booliska degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxana halkaasi ka dhacay dagaal dhex-maray raga weerarka soo qaaday iyo Ciidamada ku sugan Saldhiga.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ragga weerarka ka geystay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ahaayeen Ciidamo Millateri ah oo Saldhiga looga soo xiray rag saaxiibadood ah oo lagu eedeeyay inay dhac ka geysteen magalada muqdisho, isla markaana howlallo lagu soo qabtay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ka dhacay Saldhiga degmada Yaaqshiid ay ku dhinteen Afar ruux oo kala ah, laba kamid ah raggii weerarka soo qaaday, hal askari oo katirsan Ciidamada Booliska iyo qof Shacab ah.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Booliska Saldhigga degmada Yaaqshiid ay nolosha ku qabteen laba kamid ah raggii soo weeraray Saldhigga, kuwaas oo iyana la xiray.

Laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Yaaqshiid ayaan weli ka hadlin weerarkas, waxaana uu noqonayaa saldhigii labaad ee kuyaalla magaalada muqdisho ee la weerarao, waxaana ka horreeyay Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne oo dhawaan ay weerareen ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya.