1 min read

Jiracii oo Mogadishu lagu kala iibsanayo. ( Ar Ununkaa Yaabnay, Fajacnay, Anfariirnay).

Ar Ununkaa Yaabnay, Fajacnay, Anfariirnay.

Jiracii oo Mogadishu lagu kala iibsanayo.

Jiracu waa mid ka mid ah Bahda Xasharaadka yar yar ee Quraanshada, Aduunka waxaa ka jiro 10,000 Nuuc oo Quraansho ah. Jiracu waa Xayawaan Alla uu ku maneeystay in uu isku difaaco Qaniinyadiisa oo aad u kulul iyo Dheecaan Ur badan oo jirkiisa ka soo baxo. Somaliduna Qofkii Dabeecad Xun ayeey ku Naaneysaan Jirac. Qabaa’ilka Dalka Barazil qaarkood ayaa Jiraca u isticmaalo Daawo ahaan, Laakin Somalidu maxey u isticmaalaan Hadda.

Waxaa Xamar iyo Qeybo kale oo Dalka ka mid ah ka bilaabatay in Jiraca loo isticmaalo Mukhaadaraad ahaan.
Marka hore waxaa la soo qabanaa Jiraca, kadibna Dibka dambe ayaa laga jarayaa, Kadibna Dab ayaa lagu gubayaa, Qaaca ka soo baxo ayaa Kooxdu ku soo rugmanee, oo Sanka ey u dhaweynayaa, qaacaa ayeeyna u qaadanayaan sida Sigaarka oo kale, Kadibna kooxdu waa wada sakhraamayaan, waxa eyna ku leeyihiin Hebel waa jiraceysan yahay. ( F.S: 1,2 & 3aad)

Taasi waxa ey keentay in Jiracii Xamar laga waayay ,Haddana waxaa laga keenaa Labada Shabeele isaga oo qaali ah.

War Caafimaadka dhalinyarada ha la ilaaliyo, Haddii ey sidaan ku sii socoto waxaa la gaari doonaa, in Qabaa’ilku ey ku dagaalaan Jirac la kala dhacay iyo in la arko Madax Jiraceeysan oo ku sakhraantay Jirac loo shiday.

FG: ( Arrintani Waa Xaqiiq Somaliya ka bilaabatay), Is jiraceeynta wixii Faahfaanin ah kala xiriir, Madaxda Police- Somalida iyo Laanta ka hor taga Maandooriyayaasha.( F.S: 4aad)

Aan Badnaadino Dhalinyarada, Dadka iyo Dalka Dhinac waliba laga kharibayo. Nin Aduunyo Joogoow……

iska ilaali yaan laguu sirin, Qaac aad ku uunsato.

Qore: Yahya Amir