1 min read

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo kulmay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dalka Turkiga kula kulmay madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan.

Waxaa haatan dalka Turkiga ka socda kulan u dhexeeya labada madaxweyne.

Waxaa lagu wadaa inay ka wadahadlaan arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, ganacsiga, diblumaasiyadda iyo amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Turkiga isagoo casuumaad ka helay madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.