2 mins read

Jaamacadda Carabta oo laga codsaday inay wax-ka qabato Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo ah Ergeyga gaarka ah ee Arimaha bini’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha ayaa xalay fiidkii dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Gheit, Sida uu sheegay Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar Danjiraha  JFS ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta.

Ilyaas Danjiraha Soomaaliya ee Masar ayaa xusay in farriinta Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay mid bini’aadannimo  oo ku aaddan in si deg deg ah loogu istaago gargaarka shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

Waxaa uu sheegay in shirka wasiirrada arrimaha debedda Carabta oo maanta looga hadli doono arrimaha abaaraha Soomaaliya uu Ergeyga Madaxweynuhu usoo bandhigi doono xaaladda abaarta Soomaaliya, isaga oo codsaday in aan Soomaaliya lagu eegan xaaladda abaaraha ee adag.

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku micneeyay farriinta Madaxweynaha Soomaaliya in Soomaaliya ay ka codsaneyso Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carabeed in ay caawiyaan dalkiisa oo ay abaaro aan horay loo arag muddo 40 sano ah ka jiraan, iyadoo ku dhawaad 7 milyan oo muwaadiniin ah ay wajahayaan xaalad macluul ah.

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa intaas ku dartay in, in ka badan 7.1 milyan oo qof ay dhibaatadu soo gaartay, kuwaasi oo ay ku jiraan ilaa 700,000 oo qof oo ku qasbanaaday in ay ka barakacaan guryahooda si ay u raadsadaan cunto, biyo iyo baad. Tirada dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ayaa hadda lagu qiyaasay 3 milyan oo qof, xaaladda ayaa sidoo kale ka sii daraysa iyada oo meelo kala duwan oo dalka ah  ay ka dillaaceen koloriin iyo jadeeco.

Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta ifafaalaha abaaraha ee dalkiisa uu la ildaran yahay iyo saameynta xun ee ay ku yeelan karto shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dalalka Carabta inay taageeraan Soomaaliya si ay ula tacaasho dhibaatada baaxadda leh ee halista ku ah malaayiinta qof eeaan aan waxba galabsan.