1 min read

Fanaanad Khadra Daahir Cige oo Hargeysa caawa ku geeriyootay.

Alle ha u naxariisto Fannnaanadii Caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige, ayaa caawa Hargeysa ku geeriyooday.

Khadra ayaa maalmahaan ku xanuunsanayd Isbitaalka magaalada Hargeysa. Khadro Daahir Cige ,waxay fanka ku soo biirtay sanadkii 1974-tii.

Heesteedi ugu horreysay waxaa u dhiibay macallinkeeda maaddada carabiga, kaasi oo u dhiibay heeskeedi kowaad ee ahayd Hawl iyo Dadweynoow , taasi oo aheyd hees wadani ah.

Fannaanadda oo intii ay noolayd wareysi siisay BBC-da ayaa sheegtay inay qurbaha joogtay muddo ku siman 25 sano, taasi oo ay ku macneysay inay aheyd mid adag, oo aan habeen loo dhigin teena waddanka.

Fannaanadda Codka halaasiga laheyd waxay fanka ka baxaday sanaadkii 2002-dii waxay dhawaanahaan ku noolayd magaalada Hargeysa, iyadoo qurabaha tageysay sannadkiiba mar taasi oo ay sheegtay inay caruurteeda soo eegto.