3 mins read

Aga, war Igaarka hala saxo. ( khaladaadka laga saxayo RW).

Afarta khalad ee ku jirtay Khudbadii RW. Xamza.

Qofka in aad u sheegto wixii khalad kuula muuqdo macnaheedu ma ahan inaad dhaliilee, Sixidna waa noqon kartaa, Qofkii sidaa kuula Fahmo.

Hore waxaan idiinkugu sheegay in Ra’iisul wasaare Md. Xamza uu yahay Nin shaqadiisa ku wanaagsan, inta aan ka aqaan, waxaan idiin Raaciyay Ma ogi sida uu ula falgali doono, Siyaasadahan Caalimiga ah iyo Diblomasiyada Casriga ah kuwaa oo u baahan Taxadar badan iyo la talin wax ku ool ah.

  1. Haddii aan soo qaadano khudbadii Xalay 29/ 6/ 2022 uu RW.Md. Xamza uu ka jeediyay Hotel Jazeera isaga oo ka hadlayay Xaflad ey soo qabanqaabiyeen Ardaydii wax ku soo baratay Malysia sida isaga oo kale.

waxaa ka muuqday khaladaad saameeyn kara xiriirka Caalamka oo u baahan in laga fikiro, taa oo Dad leh dano gaar ihi ey si kale u macneyn karaan.

Mar uu ka hadlayay Ciidamada ATMIS ( ex- Amisom) waxa uu yiri: intii ey Nabad galyadeeyda ilaali leheyd ” Gabar” “Miskiin ah” ” Afrikaan ah” oo aan “Muslim aheyn” in iyada “Cadaabta laga badbaadino ” . mana ahan in ey Nabadgalyadeyda Somali kale ka ilaaliso.

Kalmadahaa haddii Qof Masuul ahi uu yiraa : waxaa loo macneey karaa Cunsuriyad. In aad Diidan tahay in Haweenku ey qeyb ka qaadan karaan Amniga. marka aad leedahay “Africaan Miskiin”ah waxaa loo qaadan karaa Cunsuriyad in aad Liidee Afrikaanka oo haddii ey Cid kale ahaan leheyd aad ogolaan leheed, ogow Somaliduna waa Africaan. waxaad tiri: aan Muslim ahey loona bahan yahay in aan Cadaabta ka badbaadino. waxaa loo qaadan karaa in Xirfadda Qofka iyo Diinta aad isku xirtay. wey Fiicnaa leheyd in gabadhaa diinta la baro, laakin waxa ey Gabadhaasi u timid Somalia ma aheyn in aad Diinta barto ama aad Naar ka badbaadiso ee waxa ey u timid in ey Adigu ku ilaaliso. Dadka ku xumeynayo Siyaasad ahaan waxa ey kugu eedeeynayaan Cunsuri, iyaga oo ka leh dano kale. waan jeclaa lahaa in aad si taxadar leh uga fikirto khudbadahaaga. Waxaa habooneyd in aad tiraa, Guud ahaan waa in aan ka maaranaa, Ciidmada Ajnabiga ah.

  1. Waxaad ku Celcelisay In Somalida Maskaxdeedu Foorarto, taasi kuma haboono Tusaale Siyaasi naga bixiyo, Ajaanibtuna berri ey yiraahdiin in Maskaxdiinu foorarto waxaan ka maqalnay RW hiina. waxaa kale oo aad ku celcelisay ” Aclaahaa Saafiluhaa” Kalmadahaa waxa Alle Tusaale ugu soo qaatay qolo kufaar aheyd oo Dhulkii lala rogay, Taasina ma ahan Tusaale ku haboon in somalida loo soo qaato.

3.Dadka Reer Malaysia ayaad tiri: waa Masaakiin, aan is jecleeyn, mana Firfircoono. Hadalkaas Haddii loo tarjumo Dowladda Malaysia waxa uu xumeyn karaa Xiriirka Labada Dal.

  1. Tan kale Ardaydii wax ku soo baratay Malaysia oo aad Adigu ka mid ka tahay ayaad sheegtay in aad siinee Tix galin gaar ah dhinaca Xafiiskaaga, waxaa kale oo aad sheegtay in aad ku soo dartay Golaha wasiirada. taasi waxa ey abuuree in loo qaato in RW kasta uu Tix galin siinayo kuwii ey isku meel wax ku soo barteen.
    ma ahan in aan wax u diidayo Ardayda wax ku baratay Dalka aan Walaalaha nahay ee Malaysia, Sida aad ogtahay, Aniguba Muddo 3 Sanno ah ayaan Macallin ka ahaa Jaamacad (Open University of Malaysia), Jamacadda Heer 2aad. waxaan Casharo ka bixiyay Jaamacado kale oo ku yaal Caasimadda Kulalumpor, waxaa Dayaarad u raacay Goballada aadka u fog ilaa Magaalda “Kedah” si aan cashar u siiyo Arday halkaa joogtay.

waxaan jeclaa lahaa in aan dhaliil loo qaadan ee Md. Xamza uu iska saxo , waxyaabaha isla isaga dub ugu soo noqon karo.

FG: Wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir