2 mins read

Nin Diinta iyo Akhlaaqda ka qaawan haduu ku maamulo, ha weeydiin Aqoontiisa=Nasashada Jimcaha.Q- 311=

1.Nin ayaa Naagtiisii waxa uu u diray Sawirkaan ( F.S: 1aad )
waxa uuna ku yiri: waxaan aaday Cimradii Beytka Barakeeysan.
waxay ku tiri Maashaa Allah, Naagta Gadaashaada mareeyso, iyadana Alla ha ka aqbalo Cimrada.

( Ragoo beenta dhaafa, Xarun Masaajo, Xeebo Dalxiis iyo Cimro iskuma eko, Haweenku meela fog ayeey wax ka arkaan. Dambi haddaad galee Diinta haku marmarsimoon)

  1. Axmadey ayaa yiri: Jamac Gaab ayaa igu yiri: Waxaan Maalmahaan qorayay Buug cusub oo ka hadalyo sida Fakhriga looga baxo, Cinwaankiisuna yahay ( How to make Money). Hadda waxaan u baahnahay Lacagtii aan ku daabici lahaa Buugga si aan u soo bandhigo.
    waxaan ku iri: Buugga laftiisa Akhriso.Hadduu Buugu sheegayo sida Fakhriga looga baxo, Lacagtii lagu Daabici lahaa ima weydiiseen.( F.S: 2aad)

( Dhalin yarada Beryahaan Buugaagta Qoreyso waan dhiiri galinayaa, Laakin Buugga inta aadan soo Bandhigin, Dad kale ha kaa saxeen)

  1. Siyaasi ma gafe. Waxaa jiro Siyaasiyiin loo keeno Mashaariic anfacee Dalka iyo Xataa Deegaankiisa gaarka ah. Cidii Mashruucaa u keentay ayuu ku leeyahay. u wac Cidii ku soo diray, Mashruucaani hore u sii socon maayo, haddaan Aniga Lacag intaa la eg aan la iga siin, Gadaal u Celi Mashruuca, kaasi waa Ma gafe Siyaasi ah.

( Shacabku wuxuu ku faraxsan yahay inta yar ee Doolshaha ( Cake-ga) ka soo gaartay. Laakin siyaasigu waxa uu ka murugeysan yahay inta yar ee dhoolshaha ka maqan ee Danyarta la siiyay.( F.S: 3& 4aad)

  1. Nin marqaansan oo Baabuur wado, ayaa waxaa joojiyay Nin Ciidanka Taraafikada ah, waxa uu yiri: keen Leesinkii iyo Warqadii Baabuurka, waa u dhiibyay, Labaduba waa sax. waxa uu yiri: Maxaad u xiran weyday Suunka?. Darawalkii marqaansanaa ayaa yiri: Maxaan Suunka ku xiranaa maba wato Surwaal iyo macawis toona. ( F.S: 5aad)

( Nin Diinta iyo Akhlaaqda ka qaawan haduu ku maamulo, ha weeydiin Aqoontiisa)

  1. Xaflad Aroos ayaa waxaa weel wada galay dhalin yaro laga casuumay Arooska iyo Oday aan la Casuumin. markii Qadadii la soo dhigay ayaa odaygii weeydiiyay Wiil dhinaciisa fadhiyay. Horta Gabadhaan la aroosayo waa qabiilkee?. Wiilkii ayaa yiri: Adeer Qabiilkeedu waa Cun, Duceey, iska Bax.

( Waa ummad haddii aad Qur’aanka barato ku leh, Macalinkii Qur’aanka ku baray Qabiilkii ?)

  1. Wiilal Ciyaalka Xaafadda ah oo Makhaayad ey wada fadhiyeen Oday tacbaan ah, ayaa waxaa soo hor martay Islaan qaarka dambe u weyn.
    Mid dhaliyaradii ka kid ah ayaa yiri: war qoftaan, waxa saaran ma Matoor caadi ahaa, mise wa Lix Gorgoradood?. Odaygii ayaa yiri: waryaada gabadhaan wax haka sheegina, waa Xaaskeeygii. mid wiilashii ka mid ah ayaa yiri: Adeer, Haddii ey Xaaskaaga tahay, Adiga maxaa saan kuu rif rifay.

( Maalmahaan waxaa soo badanayo Odayaal Rif rifan oo Matoor raadis ah. war Da’daada Fiiri, Duqdaadii horena ha dayicin)

Qore: Yahya Amir