1 min read

Mudanayaasha 2-da Aqal oo ansixisay miisaaniyadda dowladda ee 2022.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Xildhibaannada waxaa maalinkii saddexaad hortagay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo howlwadeeno la socday oo ka tirsan xafiiskiisa.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Wasiirka Maaliyadda iyo xubnihii la socday weydiinayay su’aalo adag oo la xiriirta Miisaaniyadda intii uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sanadkaan 2022, balse Wasiirka ayaa isna intii uu karo ka jawaabayay su’aalaha Xildhibaannada.

Kulanka wadajir ah ee Xildhibaannada waxaa shir guddoominayay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaase soo idlaaday maanta kulankii ay lahaayeen.

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka, waxaana Haa ku ogolaatay 204-xildhhibaan, sida guddoonka Baarlamaanka uu shaaciyay.