1 min read

Tarsan oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in la soo celiyo xiriirka Kenya.

Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta ka hadlay sida ay muhiim ugu tahay in lasoo celiyo xiriirkii wadashaqeynta iyo isu socodka ganacsiga ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Safiir tarsan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii uu u soo celin lahaa xiriirkii dowladda Soomaaliya kala dhaxeysay dhigeeda Kenya.

Ugu dambeyn, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxmuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu muhiimad gaar ah siiyo, sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya, maadaama ay jiraan malaayiin Soomaaliyeed oo ku nool gudaha Kenya, kuwaas oo deegaan ku ah islamarkaana gacansi kala duwan ku leh.

Xiriirka Soomaaliya ay la lahayd dhigeeda Kenya, ayaa xumaa shantii sano uu xilka Madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo gabi ahaan jaray xiriirkii diblumaasiyadeed iyo wadashaqeyntii dowladda Kenya.