1 min read

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta gaar ahaan qeybta qaabilsan danbiyada lidka ku ahaa maaliyadda iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xeer ilaalinta.

Si rasmi ah looma ogo eedeymaha loo heysto wasiirka balse xeer ilaalinta waxay sheegtay in wax laga weydin doono ‘arrimo la xiriira maaliyadda uu xafiiska baaristiisa wado’.