1 min read
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda codka kalsoonid ah u siiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xamse Cabdi Barre.
![](https://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2022/06/b283ce18-558f-4ce7-9734-b9dc0dd3bbab.jpg)
Dhammaan xildhibaanada 220-ka ee soo xaadiray kalfadhiga ayaa u codeeyay Ra’iisul Wasaaraha, mana jirin qof diiday ama cid ka aamustay.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa goobta ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub.