June 25, 2022
Ciidamada Ruushka oo si buuxda gacanta ugu dhigay magaalo ku taal Ukraine.
Ciidamada Ruushka ayaa hadda gacanta ku haya magaalada la duqeeyay ee Severodonetsk ee bariga Ukraine, sida uu sheegay duqa magaaladaas. “Ruushka waxay si buuxda u qabsadeen Severodonetsk, ciidankeenu waxay dib ugu gurteen goobo diyaarsan,” Oleksandr Stryuk ayaa u sheegay Telefishinka Ukraine. Duqeymaha Ruushka oo todobaadyo socday ayaa inta badan magaalada ka dhigay mid burbursan. Dad […]
Raga muda dheer burcad badeednimo ugu xirnaa Cummaan oo Boosaaso la keenay.
Rag Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 17 nin oo qaarkood muddo 12 sano ah ay ku xirnaayeen dalka Cummaan ayaa laga soo dajiyey magaalada Boosaaso sida ay BBC-da u sheegeen ilo wareedyo ku sugan magaalada. 12 ka mid ah raggaan ayaa la sheegay in dalka Cummaan ay ugu xirnaayeen tuhun burcadbaadeenimo. Halka shanta nin […]
3 filim oo Sharukh Khan uga yaabiyay Bollywood-ka.
Maanta oo Sabti ah waxay ku beegan tahay 30 sano kaddib markii uu Sharukh Khan kusoo biiray xirfadda jilista iyo shirkadda Bollywood-ka. Filimkiisii ugu horreeyay abid, oo lagu magacaabo Deewana, waxa uu soo baxay maanta oo kale sanadkii 1992-kii. Labadii filim ee ku xigtay ayuu sidoo kale gabi ahaanba ku qabsaday Bollywood-ka, kuwaasoo kala ahaa […]
Al-Shabaab oo muxaadaro u qabatay Dad saarnaa Bas ku wajahnaa Mandheera.
Koox looga shakisan yahay inay Shabaab ka tirsan yihiin ayaa muxaadaro labo saacadood qaadatay u jeediyay dad rakaab ah oo saarnaa bas ku wajahnaa magaalada Mandheera ee gobolka Waqooy Bari Kenya, sida ay ku warrantay qaar kamid ah warbaahinta Kenya oo soo xiganeyso booliska. Booliska waxay sheegeen in Shabaab si aad ah u hubeysan ay […]
18-Muhaajiriin ah oo ku dhimatay xadka Spain.
Dowladda Marooko ayaa sheegtay in 18 muhaajiriin ah ay dhinteen kaddib markii dad aad u badan ay isku dayeen inay u gudbaan xadka Spain. Saraakiisha ayaa sheegay in muhaajiriinta qaarkood ay ka soo dhaceen derbiga xadka halka kuwa kalena ay isbuurasho u dhinteen. Spain ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka labada dhinac ay ka hortageen rabshad […]
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda codka kalsoonid ah u siiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xamse Cabdi Barre. Dhammaan xildhibaanada 220-ka ee soo xaadiray kalfadhiga ayaa u codeeyay Ra’iisul Wasaaraha, mana jirin qof diiday ama cid ka aamustay. Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa goobta ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha guud.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta gaar ahaan qeybta qaabilsan danbiyada lidka ku ahaa maaliyadda iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xeer ilaalinta. Si rasmi ah looma ogo eedeymaha loo heysto wasiirka balse xeer ilaalinta waxay sheegtay in wax laga weydin doono ‘arrimo la xiriira maaliyadda uu […]
Maraykanka oo Taliban ku wareejiyey maxbuus ku xidhnaa Guantanamo Bay.
ISLAMABAD – Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey. Ururka Taliban ayaa sheegay […]