1 min read

Raga muda dheer burcad badeednimo ugu xirnaa Cummaan oo Boosaaso la keenay.

Rag Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 17 nin oo qaarkood muddo 12 sano ah ay ku xirnaayeen dalka Cummaan ayaa laga soo dajiyey magaalada Boosaaso sida ay BBC-da u sheegeen ilo wareedyo ku sugan magaalada.

12 ka mid ah raggaan ayaa la sheegay in dalka Cummaan ay ugu xirnaayeen tuhun burcadbaadeenimo.

Halka shanta nin ee kale loo haystay in si sharci darro ah ay xiji uga guranayeen dalka Cummaan.

Booliiska Puntland ayaa ku soo dhaweeyey dekedda magaalada Boosaaso.