2 mins read

3 filim oo Sharukh Khan uga yaabiyay Bollywood-ka.

Maanta oo Sabti ah waxay ku beegan tahay 30 sano kaddib markii uu Sharukh Khan kusoo biiray xirfadda jilista iyo shirkadda Bollywood-ka.

Filimkiisii ugu horreeyay abid, oo lagu magacaabo Deewana, waxa uu soo baxay maanta oo kale sanadkii 1992-kii.

Labadii filim ee ku xigtay ayuu sidoo kale gabi ahaanba ku qabsaday Bollywood-ka, kuwaasoo kala ahaa Baazigar iyo Darr oo soo baxay sanadkii ku xigay ee 1993-kii.

Dhowr sano kaddib, shaki kuma jirin in uu ahaa hoggaamiyaha cusub ee filimada Hindiya.

15-kii sano ee xigtay markii uu Bollywood-ka kusoo biiray waxa uu soo saaray filimo aad looga daba dhacay oo sanad kasta uu ku gilgilayay shaleemooyinka, guulo waawaynna uu uga soo hoyiyay box office-ka iibsada aflaanta.

Laakiin tobankii sano ee lasoo dhaafay waxa uu Shah Rukh Khan u muuqday in uu hoos u dhac samaynayay, isagoo ay ka fashilmeen dhowr filim oo uu soo dhigay.

Hase yeeshee tan iyo markii uu atooraha noqday ilaa hadda ma uusan soo bixin jilaa kale oo gaaray heerkiisa, ama darajada afka qalaad lagu dhaho “Superstar” oo micnaheedu yahay xiddigga ugu sarreeya.

Xilligii uu heerka ugu sarreeyay joogay Shahrukh Khan, oo lagu naanaysay “Boqorka Bollywood-ka” waxa uu ku beegnaa intii u dhaxaysay bartamihii 1990-meeyadii ilaa dabayaaqadii 2000.

Darajada xiddigga ugu sarreeya waxa uu gaaray dhowr sano kaddib markii uu soo afjarmay waayihii wacnaa ee jilaaga Amitabh Bachchan, oo ay Soomaalida u taqaanno “Cali Dheere”, kaasoo qudhiisa xilka xiddignimada sare kala wareegay Rajesh Khanna.

Haddii taariikhda atooreyaasha Hindiya dib loo raaco way is daba taxan yihiin xiddigaha waawayn ee Bollywood-ka ilaa laga gaaro Dilip Kumar oo shaleemooyinka haystay 1940-meeyadii.

Balse hadda, tobankii sano ee lasoo dhaafay, oo Sharukh Khan uu hoos u dhacay, ma jirin jilaa kale oo heerkiisa gaaray, waana muddadii ugu dheereyd ee ay sidaas dhacdo, sida uu qoray wargayska Hindustan Times.

Laga billaabo Akshay Kumar iyo Ranveer Singh ilaa Salman Khan iyo Aamir Khan, atooreyaashii caanka ahaa ee Bollywoodka waxay gaareen guulo waawayn, laakiin midna ma uusan loodinin Shahrukh Khan, lagumana tilmaamin “Xiddig Sare”.

Aamir Khan filimadiisa laga daba dhacay ma ahayn kuwo is daba joog ah, halka Akshay Kumar iyo Salman Khan ay la kulmeen caqabado lasoo gudboonaaday filimadooda.

Ranveer oo hadda ay aad ugu jeedaan indhaha qudhiisana wali ma uusan xaqiijinin inuu gaari karo darajada “Xiddigga ugu sarreeya”.

Haddii Bollywood-ka uu sidan kusii socdo waxaa suuragal ah in aan waligeed la arkin jilaa lala barbar dhigo Sharukh Khan, sida ay warbaahinta Hindiya badankood ku warrameen.

Xigasho:BBC-Somali