1 min read

Shir looga hadlaayay u-diyaar garowga maalmaha xuriyada oo lagu qabtay Muqdisho.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu  qabsoomi lahaayeen  si nabad ah, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.  

Dhankooda laamaha Amniga iyo Saraakiisha ciidamada ayaa shegay in ay bixin doonan Dadaalo dheeri iyo ayna ka shaqeeyn doonan sidii ay u qabsoomi hayeed maalmaha xuriyada si nabad ah.