Dowladda Soomaaliya oo UNHCR kala hadashay wax ka qabashada abaaraha.
Amb. Maxamad Abdi Afeey oo ah Ergeyga Hay’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR u qaabilsan GEESKA Afrika, oo uu wehliyo Magatte Guisse oo ah madaxa UNHCR Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyey hawsha baaxada ee ay UNHCR ka wado arrimaha Qaxootiga, Barakacayaasha iyo gurmadka abaaraha.
![](https://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2022/06/FB_IMG_1655692257748-780x470-1.jpg)
Dhiniciisa ayuu Ergeygu warbixin ka siiyey Amb. Afey hawlaha hortebinta u leh xafiiska Ergeyga, isagoo hoosta ka xariiqay ahmiyada uu Madaxweynaha siinayo gurmadka abaaraha iyo xal u helidda Qaxootiga iyo barakacayaasha.
Labada dhinac ayaa isku raacay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sida ugu haboon oo sare loogu qaadi karo wacyi iyo wax u qabadka Qaxootiga Soomaaliyeed ee Gobolka ku firirsan iyo barakacayaasha dalka gudihiisa ku tabaalaysan.