1 min read

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo berri booqanayo waddan ku yaalla Afrika.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters,dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa booqan doona dalka Masar 20-ka June, taasoo qayb ka ah socdaal uu ku marayo Urdun iyo Turkiga.

Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi si ay uga wadahadlaan arrimo ay ka mid yihiin saameynta dagaalka Ukraine uu ku yeeshay gobolka, iyo u diyaar garowga safarka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku tagi doono Sacuudiga bisha soo socota, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Reuters.