3 mins read

War farxad leh oo ku socda dadka isticmaala teleefoonka iPhone.

Malaayiin dadka isticmaala telefoonnada iPhone ah ayay suurtagal tahay in la siiyo lacag magdhow ah, kaddib markii la billaabay dacwad sharci ah oo lagu eedeeyay shirkadda Apple inay si qarsoodi ah u curyaamineyso waxqabadka taleefannadii hore.

Justin Gutmann ayaa ku eedeeyay shirkadda inay ku marin habaabisay dadka telefoonnadeeda isticmaala kor u qaadista habka uu u shaqeeyo teleefanka laakiin ay culeys ka dhigtay.

Ninkan wuxuu magdhow dhan 768 milyan oo ginni u raadinayaa ilaa 25 milyan oo isticmaaleyaasha iPhone ee Ingiriiska ku sugan.

Shirkadda Apple waxay sheegtay in aanay “waligeed” si ula kac ah u gaabin inta ay jiri karaan alaabaheeda.

Sheegashada, oo loo gudbiyay Maxkamadda Rafcaanka ee Tartanka, ayaa ku eedaysay Apple inay habka ay u shaqeeyaan iPhone-dii hore ay ka dhigtay kuwo gaabis ah, iyadoo u mareysa waxa loo yaqaan “throttling”, si looga fogaado dib u soo celinta qaaliga ah ama dayactirka.

Waxay la xiriirtaa soo bandhigidda qalabka maaraynta awoodda korontada ee qeybta ka ahaa cusbooneysiintii software-ka ee ku beegneyd Janaayo 2017, si wax looga qabto caqabado la xiriiray habka dhaqsiyaha teleefoonka, loogana joojiyo aaladaha duugga ah inay si lama filaan ah isu demiyaan.

Gutmann ayaa sheegay in macluumaadka ku saabsan aaladda aan lagu darin sharraxaadda cusboonaysiintii software-ka ee xilligaas, iyo in shirkaddu ay ku guul-darraysatay inay caddayso inay hoos-u-dhigi doonto habka shaqada ee aaladaha.

Waxa uu ku andacoonayaa in Apple ay soo bandhigtay qalabkan si ay u qariso xaqiiqda ah in beteriga iPhone laga yaabo inuu xamili waayay software-kii ugu dambeeyay ee iOS, iyo in halkii ay dib u soo celin lahaayeen teleefoonnada ama ay bixin lahaayeen beteriyo beddel ah, shirkaddu waxay ku cadaadisay isticmaaleyaasha inay soo dejiyaan oo telefoonnadooda ay ku cusbooneysiinta software-ka.

Mr Gutmann ayaa yir: “Intii ay qaadi lahaayeen tallaabo sharaf leh oo sharci ah oo macaamiishooda u sameyn lahaayeen beddelaad bilaash ah, adeeg dayactir ah ama magdhow, Apple taa beddelkeeda waxay dadka ku marin-habaabisay inay u qariso casriyeyn software oo hoos u dhigtay aaladaha ilaa 58%.”

Noocyada ay sheegashadu xustay waa iPhone 6, 6 Plus, 6S, 6S Plus, SE, 7, 7 Plus, 8, 8 Plus iyo noocyada iPhone X.

Waa sheegasho aysan macaamiishu u baahnayn inay si firfircoon ugu biiraan kiiska si ay u raadsadaan magdhow.

Bayaan ay soo saartay, Apple waxay ku tiri: “Weligeen ma sameyn, mana sameyn doonno in aan si ula-kac ah u soo gaabinno muddada ay jiri karaan aaladaha ay soo saarto Apple, ama in aan hoos u dhigno khibradda adeegsadaha si kor loogu qaado macaamiisha.

“Hadafkeena had iyo jeer wuxuu ahaa inaan abuurno alaab ay macaamiisheennu jeceshahay, iyo in aan sameyno iPhones-ka oo sii jiraya intii macquul ah, waana qayb muhiim ah.”

Sheegashada Gutmann ayaa ku soo beegantay labo sano kaddib markii kiis kan la mid ah lagu soo afjaray gudaha Maraykanka.

Sanadkii 2020, Apple waxay oggolaatay inay bixiso $113 milyan si ay u xalliso eedeymaha ah inay hoos u dhigtay iPhones-kii hore.

Soddon iyo saddex gobol oo Maraykan ah ayaa sheegay in Apple ay arrintan u samaysay si ay dadka isticmaala u iibsadaan qalab cusub.

Malaayiin qof ayay saameysay markii noocyada iPhone 6 iyo 7 iyo SE ay shaqadoodu gaabis noqotay 2016 fadeexad lagu magacaabay Batterygate.

Waqtigaas, Apple waay diiday inay ka hadasho. Si kastaba ha ahaatee, waxay hore u sheegtay in telefoonnada xawligooda loo dhimay si loo ilaaliyo cimriga beteriga.

Claire Holubowskyj, oo ah falanqeeye la shaqeysa shirkadda Cilmi-baarista ee Enders Analysis ayaa sheegtay in arrimahan oo kale laga yaabo inay sii socdaan, marka loo eego xaddidaadda farsamo ee beteriyada gabowga ah.

Waxay xustay in Apple ay dakhligeeda 84% ka hesho iibinta aaladaha cusub.

Xigsho:BBCS0malii