1 min read

Diyaaradaha Kenya oo duqaymo khasaare gaysatay ka fuliyay G/Gedo.

Diyaaradaha Dagaalka kenya ayaa duqeeymo dhanka cirka ah ka waddo tan iyo xalay degaano hoos yimaado gobolka gedo kuwaa oo dhaliyay Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Degaanada la xaqiijiyay in ay duqeeymaha inta ugu badan ka dhaceen ayaa kala ah  Ceelcade, Likooley, Busaar iyo Garsal Oo Ka tirsan Gobolka Gedo Ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaa oo ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in y soo foodsaartsy cabdi xoogan oo la xiriirta duqeeymaha Ciidamada Kenya halkaasi kawadaan, iyagoona sheegay in aysan jirin dhaawaca meel ay geeyaan dadkuna dhiig bax u dhimanayo.

Ilaa hadda inta la og yahay 10 qof ayaa ku dhimatay, Duqeynta xalay ilaa iyo Haatan Kenyatiga ay ka wadan Gobolka Gado, waxaa sidoo kale Jira dhawaac intaa ka badan iyo hanti badan oo ay duqeymaha ku baa’bi iyeen Ciidamadda Kenya.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ilaa iyo hadda kama hadlin duqeeymaha loo geeysanayo dadka shacabka ah, waxaana duqeeymahaan ay imaanayaan xili gobolka geddo ay ka jirto abaar galaafatay Nolosha kumanaan qof iyo barakicintaa Dad badan.