5 mins read

Maxay yihiin arrimaha waaweyn ee uu Xambaarsanaa Warraysigii Fahad Yasin.

Waraysiga Agaasimihii hore ee NISA (Fahad Yaasiin), waxaa ku jira arrimo waawayn oo u baahan in lagu sameeyo gor-fayn miiggan iyo lafa-guris gun-dheer.

Malahayga, arrinta ugu wayn ee afkiisa laga sugayay waa kiiska gabadhii maqnayd ee Ikraan Tahliil iyo waxa uu ka sheego. Arrintii waa uu ka hadlay, waliba si saraaxad leh oo isku kalsoonaani ka muuqato ayuu uga hadlay. Waxa uu bixiyay xog uu qiyaasteeda ku sheegay 10% wadarta guud ee xogta uu ka hayo kiiska gabadha.

Nuxurka xogta uu bixiyay waxa lagu soo koobi karaa:

  1. In ayna Ikraan xil iyo shaqo rasmiya midna u hayn hay’adda NISA muddadii uu joogay (Fahad) xilka Agaasimaha iyo ku xigeenka ee NISA (2018 – 2021). (FG: Qodobkani maaha mid fudud! waxaana sugnaantiisa ku xidhan arrimo badan oo muhiim u ah kiiskan).
  2. In ayna Ikraan noolayn oo la dilay.
  3. In ayna hay’adda NISA shaqo ku lahayn dilkeeda.
  4. In ay saddex kooxood ku shirkoobeen mashruucaa Ikraan Tahliil: b) Madax sare oo dawladeed; t) dalal shisheeye; iyo j) kooxda Al-shabaab.
  5. In aan yoolku ahayn dilka Ikraan; laakiin uu ahaa furista albaab wayn oo mu’aamaradeed oo lid ku ahaa hay’adda NISA iyo guud ahaan xasilloonida dalka.

Intaasi waa nuxurka xogtii uu Fahad Yaasiin ka sheegay arrinka gabadha maqan. Xogtani, waxa ay kasoo hor-jeeddaa (100%) hadal-hayntii muddo sanad iyo dheerada socotay ee ahayd: Ikraan waxay ku maqan tahay hay’adda NISA, waxaana ku eedaysan madaxda iyo saraakiisha sar-sare ee hay’adda.

Waraysigii Fahad kaddib, marka laga hadlayo kiiska Ikraan, maxaynu haynaa ilaa hadda? Waxa aynu haynaa:
• Gabadhii oo wali maqan
• Laba warbixinood oo is-burinaya
• La’aanta xaqiiqo la taaba karo oo qofka caadiga ahi ku qan-cikaro (sida marag-fur, meydkii gabadha, muuqaal, codad, sawiro, baadhis cilmi ku dhisan; iwm).

Hagaag, haddaba ma jiraan dhacdooyin iyo tusayaal kale oo labada warbixinood ee is burinaya aan ahayn oo tix-gelin u baahan isla markaana uu wax-ku-dhisikaro qofka caadiga ah?

Haa, way jiraan. Waliba way tiro badan yihiin. Laakiin inta aana dhacdooyinkaa qaar kamida u gud’bin aan xuso in aan warbixinta Fahad loo qaadan karin mid caadiya oo lamida kuwii hore. Sababtuna waa in uuna ahayn qof caadiya; maxaa yeelay muddo afar sano ah (2018 – 2021) ayuu ahaa qofka ugu sarreeya (Agaasimaha) hay’adda sirta ee dalka (NISA).

Usoo laabo dhacdooyinka tix-gelinta mudan:

  1. Taariikh 26 June, 2021, waxa uu falka af’duubka Ikraan dhacay Agaasimaha NISA oo dalka ka maqan (sida xoguhu tilmaameen isna sheegay).
  2. Taariikh 4 Sept, 2021, Agaasimaha NISA oo dalka ka maqan ayuu R/wasaare Rooble warbixinta kiiska gabadaha kaga dalbaday wakhti aan macquul ahayn (48 saacadood gudahood) iyo si aan munaasab ahayn (warbaahinta loo mariyay farriinta).
  3. Taariikh 5 Sept, 2021, Agaasime Fahad waa uu kusoo jawaabay amarkii R/wasaaraha; laakiin waxa uu codsaday in uu warbixinta gabadha maqan ka hor-jeediyo guddiga amniga Qaranka; sidaa daraadeedna waxa uu Madaxwaynaha ka codsaday in uu kulanka muddeeyo.
  4. Taariikh 6 sept, 2021, R/wasaare Rooble waxa uu qaatay go’aan kale oo laba qodob ka kooban: b) in uu Shaqadii ka joojiyay agaasimihii NISA (Fahad Yaasiin); iyo t) in uu magacaabay agaasime cusub oo uu hay’adda bannaankeeda ka keenay (Gen. Bashiir Goobe).
  5. Taariikh 8 sept, 2021, Waxa uu Madaxwayne Farmaajo muddeeyay shirkii uu codsaday agaasime Fahad, waxa uuna u muddeeyay in golaha amniga Qaranku dhagaysto warbixinta Ikraan taariikh 18 Sept, 2021.
  6. Isla Taariikh 8 sept, 2021, waxa uu R/wasaare Rooble shaqadii ka eryay wasiirkiisii Amniga gudaha Xasan Xundubeey oo uu safar dibadda ugu diray isagu kuna maqnaa, waxa uuna ku beddelay Cabdullaahi Maxamed Nuur (Aka 30 jirka, haysta 30’ka Milyan); laakiin Madaxwayne Farmaajo waa uu diiday magacaabistiisa. (Waa wasaarad u muhiima arrinta socota & shirka loo madlan-yahay).
  7. Isla taariikh 8 sept, 2021, waxaa boggiisa Tuwiitarka qoraal soo dhigay Prof. CabdiWahaab Sh. Cabdisamad, waxa uuna tilmaamay in magacaabista Rooble ee Gen. Bashiir Goobe ay tahay mid istaraatiiji ah isla markaana uu yahay (Gen Goobe) gacan-yare TPLF iyo adeege dalal kale kaddibna waxaa la afduubay isla taariikhdaa, ilaa haddana waxaa iska soo daba dhacaya in shirqoolkaa iyo iskudayga dil ee Cabdiwahaab laga abaabulay xafiiska R/wasaare Roobe.
  8. Taariikh 15 Sept, 2021, waxa uu agaasimihii KMG ee Rooble magacaabay (Goobe) sii magacaabay taliyaha nabad-sugidda gobalka Banaadir Muxyadiin Warbac (waa kan uu eegga Mahad Salaad u magacaabay isla xilkii).
  9. Taariikh 17 sept, 2021, waxaa garoonka diyaaraha Jabuuti lagu xayiray isla markaana shir-qool wayn ka bad-baaday Fahad Yaasiin oo warbixintiisa laga sugayay shirka Amniga Qaranka ee loo madlanaa taariikh 18 sept. Waxaana la xaqiijiyay in R/wasaare iyo kooxdiisu lug wayn ku lahaayeen shirqoolkaa.
  10. Subax hore, Taariikh 21 Sept, 2021, waxaa diyaarad khaasa Muqdisho ku tagay Fahad Yaasiin; laakiin waxaa la sheegay in R/wasaare Rooble iyo kooxdiisu isku dayeen in diyaaradda laga celiyo garoonka. kaddib markay taa ku guul-daraysteena waxay qorsheeyeen in ay diyaaradda shil lagu galiyo garoonka dhexdiisa markay soo dagto.
  11. R/wasaare Rooble, gabi’ahaanba waxa uu diiday in kiiska Ikraan tahliil lagu dhagaysto shirka guddiga amiga Qaranka.
  12. R/wasaare Rooble iyo ururka Al-shabaab waxa ay isku mawqif ka noqdeen warbixintii hay’adda NISA (2 sept) ee ahayd in ay Ikraan dileen kooxda Al-shabaab; laakiin dhawr beri ka hor warbixinta NISA, Barnaamijka Galka Baarista ee VOA ayaa lagu sii sheegay in ay AL-shabaab dileen Ikraan Tahliil.

Dhacdooyinkaa iyo kuwa kale oo badan ayaa qofka caadiga ee kiiska gabadhan danaynaya ugu filan xog wax lagu dhisikaro oo ka madaxbannaan labada xogood ee is burinaya. Sida oo kale, ciddii rabta baadhis madaxbannaan oo kiiskan ku saabsan waxa ay dhacdooyinkani u yihiin muhiim.

Wali ma is doqomaynaysaa? Haddii aad Muqdisho joogtid waad is doqomayn kartaa; maxaa yeelay hadday isku milantahay!

Qore: Ismaaciil Cali Ismaaciil.