1 min read

Mid ka mid ah Dhallinyarada ugu firfircoon Soomaalida ku nool Cape Town oo Ifka Geeri ku baneeyay.

ALLAHA u Naxaristee Daaheir Camuu, oo kamid ahaa Dhallinyarada ugu firfircoon Soomaalida ku nool Magaalada Cape Town, ayaa Daqiiqado yar ka hor Xanuun deg dega oo kusoo booday kadib ku Xijaabtay Hotelka Boorama oo uu daganaa, kaasi oo ku yaalla Xaafadda Soomaalida ee Bellville.

“Wax yar kahor ayuu nagu yiri Wadno-xanuunaa dareemaa kaalaya Qur’aanka Kariimka igu akhriya kadibna Mowlaca Borama Hotel ayuu galay, tii RABBI ayaana u timid sidaasuu ku xijaabtay Walaalkeen” ayuu yiri Ahmed Haji Cali oo kamid ahaa Saaxiibada ugu dhow Marxuumka Quraankana wax ka saarayey.

Janatul Fardows ALLAHA ka Waraabiyo Walaalkeen, Qof Qalbi Wanaagsan oo Qof Walba Caawiyo ayuu ahaa.

C/Risaaq Indha Jacayl