1 min read

Wararkii ugu dambeeyay ee Xanta suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Arsenal ayaa wadahadalo la qaadatay weeraryahanka Napoli iyo xulka Nigeria Victor Osimhen, oo 23 sanno jir ah, waxayna sidookale xoojiyeen dalabkooda ay ku doonayaan weeraryahanka Gabriel Jesus, oo 25 jir ah kaa soooo ka tirsan Manchester City.(waxaa qortay GOAL)

87

Weeraryahanka Uruguay Luis Suarez, oo 35 jir ah, ayay u badan tahay inuu u dhaqaaqo kooxda Inter Miami ee fadhigeedu yahay Major League David Beckham ka dib markii ay iska fasaxday Atletico Madrid. (waxaa qortay Independent)

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa la filayaa inuu haysto 200 milyan ginni si uu u qarash gareeyo xagaagan iyadoo heshiiska Todd Boehly uu ku dhow yahay gabagabo ka dib markii Premier League uu si rasmi ah u shaaciyay inuu ka gudbay kormeerkiisa lahaanshaha. (waxaa qortay Telegraph )

Ninka ka cayaaro dhanka Garabka ee u dhashay Brazil Raphinha, oo 25 jir ah, ayaa u sheegay agaasimayaasha Leeds United inuu doonayo inuu u ciyaaro Barcelona, taasi horay dalab ay soo jedisay oo ah in ay ku dooneyso ciyaaryahanka lacag gaareysa ilaa 30 milyan ginni ah taasi oo horaantii sanadkan laga diiday. (waxaa qortay Sports)