1 min read

Turkiga oo dagaal ku qaadaya jabhad uu Mareykanka Taageero.

Turkiga ayaa wacad ku maray inuu dagaal ku qaadayo Jabhadda SDF ee ka dagaallanta Waqooyiga dalka Suuriya.

Ciidamada Kurdiyiinta ee ku sugan Suuriya dhankooda waxay sheegeen in ay la shaqeyn doonaan ciidamada dowladda Suuriya si ay uga hortagaan duulaanka cusub ee Turkiga uu ku hanjabay inuu ku soo soo qaadayo xoogagga SDF ee ku sugan waqooyiga dalkaasi.

Xoogagga Dimuqraadiyadda Suuriya ee SDF oo uu Mareykanka taageero waxay sheegeen go’aanka ah iney tageeraan ciidamada Suuriya ay gaareen kaddib marki ay taliyeyaasha ugu sarreysa ay shir degdegah yeesheen.

Toddobaadyadi u dambeeyey madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu qorsheynayey sidi loo bilalabi lahaa dullaan hor leh oo lagu qaadayo waqooyiga Suuriya oo ay weli gacanta ku hayaan xoogagga SDF.

Turkiga wuxuu xoogagga SDF uu ku eedeeyaa iney gacan saar la leeyihiin fallagada Turkiga uu argagaixisada u aqoonsan yahay ee PKK oogudaha Turkiga ka dagaallanta.