1 min read

Adeegga Interneetka oo ka go’naa qaybo ka mid ah waddamada Bariga Afrika oo dib loo helay.

Wararku waxay sheegayaan in Soomaaliya adeegga interneetka uu ka maqan yahay lamana oga sababta, in kastoo wararku sheegayaan in qeybo kamid ah dalalka Bariga Afrika uu ka go’an yahay Internet ka.

Adeegga Interneetka cilladda ku timid oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa la sheegayaa saameyntiisa in laga dareemay qaar ka mid ah waddamada Bariga Afrika.

Shirkadaha bixiya adeegga korontada inkasta oo ay war ka soo saarin cilladda ku timid adeeggaasi haddana waddamada Bariga Afrika uu Interneetka maanta gelinka dambe uu ka go’naa waxaa ka mid ah Soomaaliya iyo Kenya.

Dhanka kale waxaa lagu guulaystay in adeega internetka dib loo soo celiyayay iyadoo la dhamaystiray in la hagaajiyo cladding loo wayay adeega Internetka, iyaddo si caadi ah uu dib ugu soo laabtay isticmaalka adeega Internetka.