1 min read

Zelensky oo mid waali ah ku tilmaamay duqeyn uu fuliyay Ruushka.

Ciidamada Ruushka ay duqeyeeya warshad kiimikooyinka sameyso, iyagoo taa u adeegsanayo in ay dib ugu riixaan ciidamada Ukraine ee ku sugan magaalo muhiim ah oo ku taala bariga Ukraine, Madaxweynaha Ukriane ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid “waali” ah oo xad dhaaf ah.

Ciidamada Ruushka ayaa taangiyo ku garaacay warshada oo ku taala gudaha Severodonetsk, taasoo keentay in gudoomiyaha deegaanka uu ku amro dadka ka agdhaw warshada inay guryahooda ku jiraan, iyadoo laga cabsi qabo in waxyeelo caafimaaad oo ka dhalan karto weerarkaasi ay soo gaarto.

Dagaalka ka socda Severodonetsk ayaa noqday mid aad u xoogan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo ay jiraan khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray labada dhinac ee Ukraine iyo Ruushka.