1 min read

Yaa la wareegay naadiga Chelsea?

Shirkad Clearlake Capital oo uu hogaamiyo Todd Boehly oo ah nin maal qabeen ah ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah u soo gabagabeeyay la wareegista kooxda Chelsea sida shalay isniin ah la xaqiijiyay.

Dawladda UK ay Chelsea siisay shati cusub oo ay ku howlgasho kadib markii horay loo xayiray ninkii lahaan jiray kooxdan Abrahamovic kadib duulaankii Ruushka.

Maalqabeenkan oo u dhashay Mareykanka ayaa noqon doona ninka la wareegaya maamulka hawlgalka naadiga, Isaga ayaana mas’uul ka noqon doona si uu u gaaro go’aamada muhiimka ah ee kooxda, isagoo taageero ka helaya xubnaha kale ee dallada shirkada Clearlake Capital.