2 mins read

Ireland: Nin Soomaali ah oo loo ogolaaday inuu raadsado magdhaw kaddib sanado badan oo uu si khalad u xirnaa.

Sida ay daabaceen warbaahinta The Irish Times iyo Independent.ie ee uu fadhigoodu uu yahay Ireland, maxkamadda ugu sarraysa Irish-ka ayaa waxa ay fasaxday in dhaqaale magdhaw ah uu dalbado nin dhimirka ka xanuunsanaa oo asalkiisu uu Soomaali yahay, oo muddo dheer si khaldan u xirnaa.

Warbaahinta oo soo xiganaysa maxkamadda ayaa baahisay in maxkamaddu ay go’aamisay in ninkan oo lagu magacaabo Yuusuf Cali Cabdi, ay khalad aheyd inuu 16 sanadood xabsiga ugu jiro xukun lagu riday, kaddib markii uu dilay wiilkiisa oo 20 bilood jiray, sababo la xiriira xanuun dhimirka ah oo uu qabay.

Xukunkan oo ay rideen shan xaakim oo maxkamadda ugu sarreysa Ireland ah ayaa waxa ay tilmaameen in ninkaasi si khaldan loogu riday xukunka xabsiga taasna ay wax u dhintay cadaaladdii.

Mr Cabdi oo ka soo jeeda Soomaaliya ayaa waxa uu xabsiga ku jiray 16 sanadood xabsi ku yaal Ireland, laga soo bilaabo 2003-dii markaas oo lagu helay inuu 2001-dii dilay wiilkiisa oo 20 bilood jiray, xukunkaas oo laga laabtay dabayaaqadii 2019.

Xeerbeegtida dib u qaadday xukunka ayaanan ku helin dambiga kaddib markii ay ogaadeen in ninkaasi maskaxiyan uusan degganayn, kaddib baaritaanno ay sameeyeen dhakhaatiir dhanka dhimirka ah oo ka kala socday dhinacyada dacwad oogayaasha iyo kooxdii difaaca, kuwaas oo qeexay in ninkaasi uu dhimirka ka xanuunsanayay.

Warbaahintu waxa ay intaasi ku dartay in Isniintii shalay aheyd ay maxkamadda ugu sarreysa Ireland ay si buuxdo ugu ogolaatay Mr Cabdi oo dalkaasi tegay 1997, ay dhibaato wayn ka so gaartay Soomaaliya, taas oo ay ka mid aheyd inuu goobjoog u ahaa dilka aabihii iyo weliba gubistii maydkiisa.

Cabdi ayaa intuu ku jiray xabsiga waxaa dhowr jeer la geeyay isbitaalka Central Mental Hospital halkaas oo xanuunka dhimirka loogaga dabiibay, sida ay warbaahintu ku warrantay.

Kaddib markii ninkaasi lagu waayay dambiga markii dib loo maxkamadeeyay sababo la xiriira xanuunka dhimirka ee uu qabo, ayey warbaahintu sheegtay inuu dalbaday magdhaw ku aaddan xukunkii hore loogu riday. Arrintaas oo Maxkamadda ugu sarraysa ee Ireland ay ogolaatay.