1 min read

Sheekh Cali Warsame Xasan oo maanta Burco lagu aasay.

Alle ha u naxariistee waxa maanta magaalada Burco lagu aasay Sheekh Cali Warsame Xasan, oo ka mid ahaa Culimada ugu caansan Soomaalida.

Aaska Sheekha waxa ka qayb-galay madax ay ku jiraan madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cullimo iyo dad kale oo ka kala yimi Deegaamada Soomaalida.Sheekh Cali, oo 28-kii bishan ku geeriyooday waddanka Urdun, ayaa lagu tilmaamaa in uu ka mid ahaa culimada aadka diinta uga shaqeyay. Waxa uu sidoo kale Sheekhu ka mid ahaa aasaaseyaashii ugu horreeyay ee ururkii Al-itixaad.

Ku dhawaad nus qarni ayuu Sheekh Cali ku howlanaa faafinta diinta Islaamka iyo la dagaallanka ficillada wax u dhimaya islaamnimada.

Waxaana lagu xasuustaa sidii ugu soo horjeeday fikirka Alshabaab ,Sheekha ayaa sida oo kale muddo dheer waxa uu bare ka ahaa Jaamacadda Burco.