1 min read

Gudddiyada Doorashada Soomaaliya oo la kala diray.

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Soomaaliya ayaa kala diray Guddiyada doorashooyinka dadban.

Guddiyadaasi oo isugu jira heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Warqadda guddiyada doorashada lagu kala diray oo xafiiska Ra’isul wasaaraha ka soo baxday sumaddeeduna tahay XRW/0289/05/2022 waxaa lagu sheegay xil-gudashada guddiyada iney ku ekeyd marki labada aqal ee baarlamaanka 11-aad ay doorteen madaxweynaha JFS.

Kuraasta ay guddiyadu go’aamiyeen in dib loo soo doortana ay maamulayaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.