1 min read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan oo magacaabay La-Taliyeyaal Cusub (Magacyadooda).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu u magacaabay mudaneyaashan hoos ku xusan Lataliyeyaal Madaxweyne:-

1- Ibraahim Eidle Sulayman Lataliyaha  Sharciga Madaxweynaha J.F.S.

2- Zakaria Hassan Ali (Gaashaan) Lataliyahaย  Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka Madaxweynaha J.F.S.

3.Hassan Adam Hosow Lataliyaha Dhaqaalaha Madaweynaha J.F.S.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La taliyeyaasha in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Xubnahaan la magacaabay ayaa soo qabtay Xilal sarsare oo Hayโ€™adaha dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday.