28 Apr, 2024
1 min read

Dalka Tunisia oo in ka badan 600 Tahriibayaal lagu la’yahay 3-dii bilood ee ugu dambaysay.

TUNIS, Tunisia – Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka dunida ee IOM ayaa sheegtay in la la’yahay illaa 600 oo muhaarijiin ah oo isku deyayey inay tahriib ku galaan wadamada Yurub, saddexdii bilood ee ugu dambeeyey. Tahriibayaashan ayaa ka safray xeebaha dalalka Tunisia iyo Liibiya. Toddobaadkan gudihiisa waxaa la soo sheegay in doon ay saarnaayeen tahriibayaal […]

1 min read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan oo magacaabay La-Taliyeyaal Cusub (Magacyadooda).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu u magacaabay mudaneyaashan hoos ku xusan Lataliyeyaal Madaxweyne:- 1- Ibraahim Eidle Sulayman Lataliyaha  Sharciga Madaxweynaha J.F.S. 2- Zakaria Hassan Ali (Gaashaan) Lataliyaha  Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka Madaxweynaha J.F.S. 3.Hassan Adam Hosow Lataliyaha Dhaqaalaha Madaweynaha J.F.S. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga […]

1 min read

Imaaraadka Carabta oo Dowladda F.Somalia ku wareejisay lacag gaaraysa 9.6 Milyan Dollar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in lacagta Imaaraadka ay dowladda Federaalka ku wareejisay ay tahay mid kaalinta Imaaraadka Carabta […]

1 min read

Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi oo ku geeriyootay Muqdisho.

Alle ha naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay Jawaahir Axmed Cilmi oo katirsaneed Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya, gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare. Marxuum Jawaahir ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsaneed, waxaana geerideeda ka tacsiyeeyay madax kala duwan. Allaha u naxariiste waxay kasoo mid noqotay Golihii hore ee Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxayna aheyd Senator fir-fircoon […]

1 min read

Kulan dhexmaray RW Rooble iyo Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber. Kulankooda ayaa ku saabsanaa xaaladda abaaraha dalka, taageerada amniga Soomaaliya ee Midowga Yurub, iyadoo Midowga Yurub ay ku bogaadiyeen Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka. Xubnaha […]

1 min read

Golaha Wasiirada oo soo jeediyey in Mahad Salaad uu noqdo taliyaha NISA.

MUQDISHO — Golaha Wasiirada Soomaaliya ay soo jeediyey in xildhibaanMahad Maxamed Salaad uu noqdo Taliyaha Hay’adda Nabad- Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Golaha Wasiirrada ayaa iska leh soo jeedinta iyo magacaabista Taliyaha Nabad Sugidda, waxaana uu sharci noqonayaa marka uu ogolaado oo uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya. Mahad Maxamed Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha […]