1 min read

Imaaraadka Carabta oo Dowladda F.Somalia ku wareejisay lacag gaaraysa 9.6 Milyan Dollar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in lacagta Imaaraadka ay dowladda Federaalka ku wareejisay ay tahay mid kaalinta Imaaraadka Carabta ee ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Malaiyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa lacagta kula wareegay gudaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaana garab taagnaa Ra’iisul Wasaare Rooble oo u mahadceliyay dowladda Imaaraadka.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu Imaaraadka dib ugu wareejiyay 9.6 Milyan oo Dollar, waxaana lacagtaas Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku qabtay laamaha amniga DFS sanadkii 2018.

Si kastaba Imaaraadka ayaa isla maalintii uu Rooble ku wareejiyay lacagtaas 9.6 Milyan oo Dollar dib ugu soo celiyay dowladda Federaalka, iyagoona ku dhawaaqay  Gargaar dhan $9.52malyan oo ay siiyeen dowladda Soomaaliya.